HomeWararMunaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug oo Caawa dhaceysa

Munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug oo Caawa dhaceysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka ayaa Caawa waxaa lagu wadaa inay ka dhacday Munaasabad kooban ah oo xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug. Munaasabadda ayaa lagu qaban doonaa Xarunta Shiirkoole, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa Galmudug, Madaxda Cusub ee maamulkaas iyo qeybaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka ayaa Caawa waxaa lagu wadaa inay ka dhacday Munaasabad kooban ah oo xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabadda ayaa lagu qaban doonaa Xarunta Shiirkoole, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa Galmudug, Madaxda Cusub ee maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Sidoo kale Munaasabadda xilka wareejinta ayaa inta ay socoto waxaa laga jeedin doonaa Khudbado looga hadlayo Arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Caawa si rasmiga ah xilka Maamulka Galmudug ugu wareejin doona Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday bilowga sanadkaan Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta Galmudug, uuna la shaqeyn doono maamulka Cusub.

- Advertisement -

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts