HomeWararRa'iisul Wasaare Kheyre "Waxaa sii xirnaan doona goobaha Waxbarashada iyo..."

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa sii xirnaan doona goobaha Waxbarashada iyo…”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa ka hadlay xaaladda dalka iyo Cudurka halista ee Coronavirus. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu kusii faafayo dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 40,000  qof oo ay ku jiraan dad Soomaali ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa ka hadlay xaaladda dalka iyo Cudurka halista ee Coronavirus.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu kusii faafayo dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 40,000  qof oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo Yurub ugu dhintay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xasan Cali Kheyre in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay aqbalaan in lagu jiro xaalad aan caadi aheyn oo la garwaaqsado in caabuqa COVID-19 dhab yahay, lana muujiyo foojignaan dheeri ah.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in illaa amar dambeb ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, sidoo kalena xirnaan doonaan iskuulada, dugsiyada Quraanka iyo Jaamacadaha.

“Waxaa illaa amar dambe xirnaan doona, Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, waxaa illaa amar dambe sii xirnaan doona iskuulada, dugsiyada Quraanka iyo Jaamacadaha, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka, cudurkan waxaa lagu kala qaadaa isu dhawaanshaha iyo istaabashada” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri ”Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsannaa in caabuqa COVID-19 dhab yahay sidaas darteed waa in aan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts