Golaha Wakiillada maamulka Somaliland oo loo fasaxay sababo la xiriira ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa waxaa la isugu yeeray kulan oo aan caadi aheyn oo ay yeelanayan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa Xildhibaanada loogu wargeliyay in Maalinta sabtida  ah ee soo socota la isugu yimaado kulan aan caadi aheyn.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay ansixinta labada xubnood ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland u soo magacowdeen Guddida Doorashooyinka.
Kulanka ayaa waxaa dalbaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si loo hirgaliyo Arrimo la isla gartay oo ku aadan Doorashooyinka maamulkaas.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Somaliland.