HomeWararSoomaaliya iyo UPU oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Soomaaliya iyo UPU oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa. Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa awoodda boostada ee dhinaca ammaanka, iyada oo laga taageerayo qalabka, tababarka iyo dajinta siyaasado iyo istaraatiijiyado lagu sugayo ammaanka boostada ka baxaysa dalka, waxaana mashruucan maalgelinaysa Dawladda Japan.

- Advertisement -

Mashruucan ayaa imanaya iyada oo uu gabagabo marayo qorshaha ay Boostadeenu ku billaabeyso inay dalka dibeddiisa wax u dirto markii ugu horreysay tan iyo 1991-kii, markaas oo adeeggii boostada uu burburay, iyada oo iminka ay gabagabo marayaan diyaarinta siyaasadiha iyo habraacyada, tababarka shaqaalaha, diyaarinta agabka sida tikidhada (farangaboolooyinka), xaruntii boostada ee garoonka Muqdisho, xiriirka diyaaradaha, iwm.

“Mashruucan wuxuu ku soo aaday xilli muhiim ah oo aan isku diyaarineyno inaan billowno boostada dibedda. In boostada dibedda loo diro waa shaqo aad u adag oo u baahan inaad buuxiso shuruudo badan, oo lama mid aha marka boostada imanayso oo aad ku qeybin karto hal meel,” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u xusay in mashruucan ka mid yahay waxyaabaha loo soo fasaxay wasaaradda ka dib markii ay sanadkii 2019-kii dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Ururka, taas oo u xannibneyd bixin la’aanta qaaraanka UPU tan iyo 1983-dii.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka sare ee UPU, gaar ahaan Danjire Bishaar, oo nagala shaqeeyay mashruucan iyo kuwii ka horreeyay ee lagu soo nooleynayay boostada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

- Advertisement -

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka heerka sare ee horumarinta adeegyada boostada adduunka, kaas oo maanta ka furmay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland. Shirkan ayaa looga hadlayaa baahida loo qabo isbeddello lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso UPU, xilli horumar weyn laga gaaray arrimaha teknolojiyada, ayna soo baxeen boostooyin gaar loo leeyahay, kuwaas oo hoos u dhigay qaar ka mid ah adeegyadii ay boostadu qaban jirtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts