Gelinkii dambe ee Maanta Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Safarka uu Gaalkacyo ku tegay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo xubno kale.
Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aad uga faraxsan yahay inuu dib ugu laabto Gaalkacyo, isagoo ka hadlay dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Isaga oo sii hadlaayay Xaaf ayuu tilmaamay inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo inuu  kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka Gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Bulshada Gaalkacyo uu ka hadli doona nabadeynta Mudug iyo Arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu dowladda ka wado Magaalada Dhuusamareeb.
Si kastaba Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu heshiiska la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.