Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda badda ee u dhexeeysay Soomaaliya iyo Kenya.
Qorshaha Maxkamadda ICJ ayaa waxaa uu ahaa in 9-ka Bishan September 2019 ay dhageysato Dacwada Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya,hayeeshee Maxkamadda ayaa dib u dhigtay muddo ka badan laba Bilood Kiiskaas.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay codsatay Kenya in dib loo dhigo Kiiska Badda,si inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi ayaa sheegay in Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ay dib u dhigtay Dacwada Badda ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya.