Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa uu kulanka ku furmay 144 xildhibaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Cod gacan tag ah ku ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa oo la hor geeyay.
149 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa,isla markaana waxaa diiday hal Mudane,waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay Natiijada,waxaana uu sheegay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada.