Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka,kadib markii Maanta uu Khudbad ka jeediyay Xaflada daah-furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ogolaato Talada siyaasiyiinta dalka,isla markaana aysan Caburin markii ay hadlayaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in qofkasta oo ka hadla aragtidiisa la yiraahdo waxaa tahay qaran dumis ma aha wax sax ah oo soconaya,isagoo dowladda ku dhiira geliyay inay furto Saaxada Siyaasadda dalka.
” Dowladda waxaa laga rabaa inay ogolaato Talada siyaasad dalka inay furtaa Qofkii aragtidiisa ka hadlana waa Qaran dumis in la yiraahdo ma soconeyso,siyaasiyiintu markay hadlayaan waa inay ogolaataa,Sidii habooneyd haddii loo diido inay isku arkaan waxay isku arkidoonaan si aan habooneyn”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.
Hadalkan Maanta uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu u muuqdaa mid Jawaab u ah hadal dhawaan uu sheegay Madaxweyne farmaajo,kaasi oo ahaa inay gacan bir ah ku qabanayaan dadka dibadbaxaya.