HomeWararNin ku qaraabin jirey magaca Siyaasi caan ah oo lagu xiray Kenya

Nin ku qaraabin jirey magaca Siyaasi caan ah oo lagu xiray Kenya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dembi-baarayaasha Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Nin iska dhigi jirey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad ku dhex leh Barlamaanka Kenya. Eedeysanaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay  James Ombui Oire waxa uu Barta Facebook u adeegsan jirey magaca Xildhibaankaasi, isagoo qaar ka mid ah Asxaabta Aadan Barre Ducaale ka urursaday lacago […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dembi-baarayaasha Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Nin iska dhigi jirey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad ku dhex leh Barlamaanka Kenya.

Eedeysanaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay  James Ombui Oire waxa uu Barta Facebook u adeegsan jirey magaca Xildhibaankaasi, isagoo qaar ka mid ah Asxaabta Aadan Barre Ducaale ka urursaday lacago uu isaga oo iska dhigayey Xildhibaankaasi.

- Advertisement -

Mar uu Saxaafadda la hadlay Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay inuu Ninkaasi dadka been u sheegi jirey, isagoo adeegsanaya Barta uu ku leeyahay  Facebook-ga.

Eedeysnaha  waxa uu haatan ku xiran yahay Saldhigga Dhexe ee Boliska Nairobi, isagoo loo haysta inuu lacago ku helay isagoo magac been ah ku qaraaban jirey.

Dhacdadan ayaa timid hal bil kadib, markii ay 7 Eedeysane ay lacago ku heleen iyagoo iska dhigayey Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

- Advertisement -

Waxaa la sheegay inay iyagoo iska dhigayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay Telefoonka ka waceen Guddoomiyaha Hay’adda Samiir Afrika, Naushad Merali, kana dalbadeen inuu u soo fasaxo lacag dhan 10-million oo Shillinka dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi waxaa magacyadooda lagu klaa sheegay: Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, William Simiyu, David Luganya, Gilbert Kirunja iyo Anthony Wafula.

Eedeysanayaashaasi waxaa loo haystaa inay sameeyeen been abuur ay ku kasbadeen lacago badan, iyagoo iska dhigi jirey Madaxweyne Uhuru iyo Saraakiil sarsare oo ka hawl-gala Aqalka Dowladda ee dalka Kenya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts