HomeWararAkhriso:-Magacyada Al-shabaab oo Afar Ruux toogasho ku fuliyay

Akhriso:-Magacyada Al-shabaab oo Afar Ruux toogasho ku fuliyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Al-shabaab fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose wax ay dil toogasho ku fuliyeen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen dembiyo kala duwan. Afartaan Ruux ayaa Al-shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay ukala shaqeeynayeen Sirdoono Caalami ah iyo kuwo Maxali ah,waxaana goobta dilka toogashada ah ka dhaceysay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Al-shabaab fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose wax ay dil toogasho ku fuliyeen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen dembiyo kala duwan.

Afartaan Ruux ayaa Al-shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay ukala shaqeeynayeen Sirdoono Caalami ah iyo kuwo Maxali ah,waxaana goobta dilka toogashada ah ka dhaceysay la isugu keenay boqolaal kamid ah shacabka Degmada Kamsuuma,isla markaana daawanayay qaabka uu u dhacay dilkaas.

- Advertisement -

Hoos Akhriso Magacyada 4 ruux oo ay Al-shabaab toogteen.

Aweys ismaaciil Aadan oo 25-sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK.

- Advertisement -

Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo  Baladweyne.

Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose ugu toogteen dad ay ku eedeeyeen a Shaqeynta  Dowladda, Ciidamada AMISOM iyo hay’addo Caalami ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts