HomeWararSawirro:-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Maanta kulan soo dhaweeyn ah loogu sameeyey...

Sawirro:-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Maanta kulan soo dhaweeyn ah loogu sameeyey Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xubno katirsan Dowlada Federalka iyo Duubabka dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay Soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa qayb ka ahaa fardo iyo ciyaar dhaqameed uu boqorku aad uga helay. Mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu qabtay Kulankan soo dhaweynta waxaana soo Agaasimay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xubno katirsan Dowlada Federalka iyo Duubabka dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay Soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa qayb ka ahaa fardo iyo ciyaar dhaqameed uu boqorku aad uga helay.

- Advertisement -

Mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu qabtay Kulankan soo dhaweynta waxaana soo Agaasimay mu’asasada macalin Nuur.

Ujeedka ayaa ahaa soo dhaweynta Boqol Burhaan Boqola oo ah boqorka beelaha daarood oo isaga iyo Odayaal kale ay booqasho ku joogaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka aqoonyahano iyo duubabka dhaqanka ayaa qeyb ka ahaa Kulanka kuwaas oo dhammaantood si diirran usoo dhaweeyey Boqor Burhaan iyo waxgaradka wehlinaya,waxaana sheegeen in muhiimad gaara uu leeyahay kulanka soo dhaweynta ah ee manta muqdisho ay ugu sameeyeen.

- Advertisement -

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad,Xaaji Cali Ugaas Cabdulle iyo xubna kale oo ku hadlay afka duubabka dhaqanka ee soo dhaweynta diirran u sameyey Boqor Burhaan ayaa waxaa ay sheegeen in boqorka ay ku maamuuseen si maqaam sare leh oo ah dhaqan soo jireen ah oo ah hab maamuuska dhaqanka Soomaaliyeed farxad gooni ahna ay u tahay soo dhaweyntiisa.

Qaar kamid ah wafdiga Boqorka ee soo dhaweyntan loo sameeyay ayaa kamahadceliyay Kulanka iyo soo dhaweynta maanta muqdisho ay ugu sameeyeen masuuliyiinta kala duwan iyagoona sheegay in Boqor Burhaan uu yahay nin wax badan ka qabtay heshiisiinta Soomaali weyn.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa gaba gabadii Kulanka kahadlay wuxuuna boqor Burhaan uu ku sifeeyey halyeey dad badan ay ku daydaan.

Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu sheegay inuu la kulmay maamuus wanaagsan oo uu uga mahadcelinayo dhammaan soo qaban-qaabiyayaashii kulanka lagusoo dhaweynayey.

 Daawo Sawirada Soo dhaweeynta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts