Kadib markii shalay gudaha Isbitaalka Keysaneey oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho lagu dhex dilay nin dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalkaasi ayaa waxaa dhacdadaasi ka hadlay maamulka Isbtiaalka.
Maxada maamulka Isbitaalka Keysaneey Cali Bile Yuusuf Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in shalay abaaro 12:30 duhurnimo Isbitaalka Keysaneey la keenay laba Nin oo dhaawac ah,kuwaasi oo kala tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Militariga,isla markaana Mid kamid ah uu ku dhintay qeybta saalada.
Sidoo kale waxa uu sheegay Cali Bile Yuusuf in gudaha Isbitaalka ay soo galeen Ciidamo badan oo watay qoryo,iyagoona qolka-ka saalada ku jibiyay dhaqaatiirtii ku,kadibna rasaas xoogan ku furay nin Dhaawac ahaa ugu jiray,waxaana arrintaasi markii ay dhacday kadib ay ku wargeliyeen maamulka Degmada Kaaraan.
Maxada maamulka Isbitaalka Keysaneey Cali Bile Yuusuf Maxamuud ayaa tilmaamay  in dhacdadaasi kadib ay u yimideen Taliyeyaal ka tirsan Ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo Meydadka dadkii dhintay u qaaday Xarunta Hay’adda Dambi-barista ee CID-da.
Dhinaca kale Ugaas Maxamuud Cali iyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku hadlayay Afka Cuqaasha iyo waxgaradka u istaagay xilka gaarida arrintaas oo Maanta maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Keysaneey booqday ayaa ka tacsiyadeeyay dhacdadii shalay ka dhacday Isbitaalka,iyagoona balan qaaday in markale arrintaasi soo laaban doonin.
Dhcadadii shalay ka dhacday Isbitaalka Keysaneey oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay nin dhaawac ahaan loo geeyay halkaasi iyo Aabihiis oo xaaladdiisa ka soo war-doonay oo isna lagu dhex la dilay gudaha isbitaalkaasi, waxaana arrintaan loo badinayaa in ay la xiriirto aano qabiil.
Hoos ka dhageyso Codka Maamulka Isbitaalka Keysaneey iyo Waxgaradkii ka hadlay dhacdadii shalay.