HomeWararTaliye ku xigeenkii Saldhiga deegaanka Ceelasha Biyaha oo la dilay

Taliye ku xigeenkii Saldhiga deegaanka Ceelasha Biyaha oo la dilay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka Radio Dalsan ay ka heleyso deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Saldhiga Booliska deegaanka C eelasha Biyaha. Masuuiyiinta Maamulka deegaanka Ceelasha ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen dilkaas,waxana lagu magacaabi jiray taliyaha la dilay Mahad Ibraahim Cumar Weydow,iyada oo dilkiisa uu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka Radio Dalsan ay ka heleyso deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Saldhiga Booliska deegaanka C eelasha Biyaha.

Masuuiyiinta Maamulka deegaanka Ceelasha ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen dilkaas,waxana lagu magacaabi jiray taliyaha la dilay Mahad Ibraahim Cumar Weydow,iyada oo dilkiisa uu ka dambeeyey askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

- Advertisement -

“Saakay ayaa isaga oo xaafadiisa iska jooga  taliyaha waxaa u yimid nin ka tirsan ciidamada millateriga oo ay qaraabo ahaayeen,waa ay israaceen balse markii ay cabaar socdeen ayaa askarigii waxa uu dilay taliyihii,isaga oo ka qaatay gaari iyo qori uu watay,haatana aan meel lagu sheegin ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxa uu sheegay in taliyaha la dilay iyo askariga ay ku muran sanaayeen lacag ka dhaxeysay sidaasina dilka uu ku yimid,laakin ay wadaan baaritaano kale.

Dilka taliye ku xigeenkii Saddexaad ee saldhiga  booliska Ceelasha Biyaha ayaa ku soo aadaya xilli xalay askari ka tirsanaa  ciidamada Dowladda uu dilay saddex wiil oo walaalo ahaa,isla markaana uu baxsaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts