HomeCaalamkaCiidamo isugu jiro Soomaali iyo Mareykan oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose

Ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Mareykan oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Gobolka Shabellaha hoose iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo ka tirsan Gobolkaasi Shabellaha hoose. Deegaanka Macalinka ayaa wuxuu u dhaxeeya Deegaanka Bariire iyo Magaalada Afgooye, waxaana halkaasi lagu dilay Shan ruux. Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegaysaa Shanta ruux ee la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Gobolka Shabellaha hoose iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo ka tirsan Gobolkaasi Shabellaha hoose.

Deegaanka Macalinka ayaa wuxuu u dhaxeeya Deegaanka Bariire iyo Magaalada Afgooye, waxaana halkaasi lagu dilay Shan ruux.

- Advertisement -

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegaysaa Shanta ruux ee la dilay inay yihiin dad shacab ah oo beeraley ah waxayna intaasi hadalkooda ku darayaan in Shanta ruux ay la socdeen cagaf cagaf khudaar siday, balse si gardaro ah loo dilay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa dhankooda sheegaya dadka la dilay inay yihiin Shabaab, islamarkaana ay jiraan saddex ruux oo dhaawac ahaan ciidamada ay u soo wateen.

Ka sokoow sheegashada labada dhinac ee ah in halkaasi lagu dilay dad shacab ah iyo sidoo kalena lagu dilay ciidamo Shabaab ah ayaanan waxaa jirin ilo wareedyo madax banan oo si rasmi ah u xaqiijinaya dadka meeshaas lagu dilay waxa ay yihiin.

- Advertisement -

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida ee hawlgalada qorsheysan ka fuliya Gobolka Shabellaha  hoose ayaa beegsada deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolka Shabellaha hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts