Waxaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabto Munaasabad lagu Caleemo saarayo guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Munaasabadda ayaa waxaa lagu qaban doonaa Dugsiga tababarka ee Janaraal Kaahiye,iyada oo ay ka qeybgeli doonaan masuuliyiin madaxda sare ee dowladda Soomaliya,xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,xubno matalaya Maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa la doortay 30-kii Bishii lasoo dhaafay ee Apriil,isaga oo bedelay guddoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxaan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo adag.