Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Muhoozi ayaa sheegay in Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kuna sugan magaalladda Baraawe ay ka go’een inay Sahayda u soo maraan Waddooyinka.
Waxa uu tilmaamay inay sii korodhay Walaaca ay ka qabaan Miinooyinka iyo Weeraradda ay Alshabaab la beegsadaan Gaadiidka AMISOM ee sahayda u daabula magaalladda Baraawe.
Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda waxa uu caddeeyey in Sahayda Ciiddankaasi haatan doonyo looga qaado Dekedda Muqdisho, si loo gaarsiiyo Dekedda Baraawe.
Dhinaca kale, General David Muhoozi waxa uu carrabka ku dhuftay inay ka fekerayaan sidii ay Saldhig Diyaaradeed uga dhisan lahaayeen magaalladda Baraawe, si ay Ciiddanka AMISOM ugu fududaato daabulista Ciiddanka iyo Sahayda kala duwan ee ay u baahan yihiin.
Mar wax laga weydiiyey Diyaaradaha Helikoptarka ee ay Dowladda Maraykanka ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu qiray inay Maraykanka siiyeen Diyaaradahaasi, si ay ugu adeegsadaan La-dagaalanka Alshabaab.
Waxa uu xusay in 5 ka mid ah Diyaaradahaasi haatan joogaan Uganda, isla markaana ay Tababar u socdaan Duulliyayaasha kaxayn lahaa Helikoptaradaasi.