HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo Xaflad sagootin ah u sameeyey Culimadii ka qeyb gashay...

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Xaflad sagootin ah u sameeyey Culimadii ka qeyb gashay Shirkii Suufiyada Caalamka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo. Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

- Advertisement -

“Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu caawa casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

“Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

- Advertisement -

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts