HomeWararMadaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo dhammaystay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka, kaddib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud. Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada dalka, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka.


Tababarkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo looga dhan yahay argagixisada, iyadoo la filayo in ciidamadan ay qayb ka qaataan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga dalka. Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo waddaniyad iyo mas’uuliyad leh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii wadaan tababarkooda si ay ugu diyaargaroobaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada isagoo sheegay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhanka kale ciidamadan oo ah kuwa ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka, ayaa qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka anshaxa iyo xeerka ciidanka xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran . Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin heerar kala duwan oo ay ku jiraan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Wasiirka Gaashaandhigga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kumannaan askari oo ka qalin jebiyay Xananbuure
Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories