HomeWararGuddoomiye Ku-xigeen oo daah-furay tababar qorsheyn magaalo

Guddoomiye Ku-xigeen oo daah-furay tababar qorsheyn magaalo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiye Ku-xigeenka Banaadir oo daah-furay tababar qorsheyn magaalo – ma waxay horumar ku noqon doontaa Muqdisho?

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho – Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa Axadda maanta si rasmi ah uga daah-furay tababar lagu xoojinayo karaanka iyo qorsheynta magaalooyinka iyo injineernimada. Tababarkan oo hal-ku-dhiggiisu yahay; Dhisidda Aasaaska Qorsheyn Magaalo oo Wax-ku-ool ah iyo Hufnaanta Hay’adaha dowladeed, ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin iyo hawl-wadeenno ka socda hay’adaha kala duwan.

Tababarkan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo waxa uu ka dhigan yahay tallaabo cusub oo ay Maamulka Gobolka Banaadir uga sii dhowaanayso horumarinta qorsheynta magaalooyinka iyo tayeynta adeegyada bulshada, iyadoo Muqdisho ay u baahan tahay qorsheyn casri ah oo la jaanqaadi kara baahiyaha sii kordhaya.

- Advertisement -

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo dhismaha karaanka hawl-wadeennada iyo horumarinta qorsheyn casri ah oo saldhig u noqota kobaca magaalada Muqdisho.

Wuxuu yidhi: “Tababarrada noocan oo kale ah waxay sare u qaadaan tayada adeegyada iyo hufnaanta hay’adaha dowladda, waxaanan rajaynayaa in ay ka qaybgalayaashu si buuxda uga faa’iidaystaan tababarkan.”

Mudane Cabdimajiid Daahir, ayaa sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarka, oo ay aqoonta iyo waaya-aragnimada ay ka kororsadaan ku dabbaqaan shaqooyinkooda, kuna dardargeliyaan adeegyada ay u hayaan bulshada.

- Advertisement -

Tababarkan oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda ee ku aaddan qorsheynta magaalooyinka, ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahwadaagta caalamiga ah, iyadoo yoolku yahay in la yagleelo qorsheyn hufan, waari-og, islamarkaana la jaanqaadaya baahiyaha sii kordhaya ee caasimadda Soomaaliya.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts