Madoobe oo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wareejiyay Sacdiya
Muqdisho, 20 Juun 2026 – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, ka dib markii uu Madoobe loo doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Xil wareejintani waxay muhiimad weyn u leedahay habka dastuuriga ah ee baarlamaanka, iyadoo Golaha Shacabka uu sii wadi doono howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub. Madoobe waxa uu ku wareejiyay guddoomiyaha ku-xigeenka warbixinta guud ee Golaha, habraaca maamul, iyo qorshaha istiraatiijiyadeed.
“Waxaan uga mahadcelinayaa xubnaha guddoonka Golaha iyo guud ahaan xildhibaannada wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii aan xilka hayey,” ayuu yiri Madoobe. “Guulaha la gaaray waxay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.”
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Madoobe hoggaamintii wanaagsaneyd, waxayna ku ammaantay dadaalladii uu ku bixiyey horumarinta Golaha. Waxa ay xaqiijisay in guddoonka Golaha uu sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si weyn ugu mahadceliyey Madoobe hoggaamintii hufneyd, waxaanu tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha. Sidoo kale, shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Siciid Maxamed Cadow, oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo.

