SoDMA oo ka hadashay saboolnimada carruurta Soomaaliyeed
Muqdisho, 18 Juun 2026 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta ka qayb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigayay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS), iyadoo uu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo nuglaanta carruurta.
Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh xilligan, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu saboolka badan carruurta aduunka. Warbixintu waxay siinaysa xog muhiim ah oo lagu qorsheyn karo barnaamijyada lagu yareynayo faqriga carruurta, iyadoo ay jiraan tirooyin ba’an oo ku saabsan nafaqo-darro iyo helitaan la’aan waxbarasho oo ay carruurtu wajahayso.
“Saboolnimada carruurta waxay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee saameeya mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle. “Waxaa lama huraan ah in la helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada lagu yareynayo nuglaanta carruurta.”
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in SoDMA ay si wadajir ah ula shaqaynayso hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in SoDMA ay diyaar u tahay inay taageerto fulinta qorshayaasha lagu yareynayo saboolnimada iyo saameynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noqnoqda.
Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda, hay’adaha Qaramida Midoobay iyo ururrada caalamiga ah. Khubaro ka hadashay ayaa soo bandhigay xogta warbixinta, iyagoo sheegay in tiro badan oo carruur Soomaaliyeed ah ay la kulmaan nafaqo-darro ba’an, gaar ahaan gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe. Waxa kale oo lagu sheegay in heerka saboolnimada uu u dhexeeyo 26% ilaa 70% gobolada dalka.
Ugu danbeyn, Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqay wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed loona yareeyo saameynta saboolnimada.

