Cabdulqaadir Muse Osman “Naani Kaambo Production” Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Sawir-qaadaha Sports-ka Ugu Wanaagsan
Sawir-qaade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Muse Osman, kuna magac dheer Naani Kaambo Production, ayaa ku guuleystay abaalmarinta sawir-qaadaha ugu wanaagsan dhanka sports-ka, kadib tartan sawir-qaadis ah oo ay qabatay Safaaradda UK qeybta Soomaalida.
Tartankan oo lagu tartamayay xirfadda sawir qaadista iyo hal-abuurka muuqaalka ayaa soo jiitay ka qeybgalayaal badan, hase yeeshee Cabdulqaadir Muse Osman ayaa si gaar ah loogu aqoonsaday xirfaddiisa sare iyo tayada sawirrada uu ka qabto dhacdooyinka sports-ka.
Cabdulqaadir, oo bulshada si weyn ugu taqaan magaca Naani Kaambo Production, ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga dhex muuqday warbaahinta sports-ka Soomaaliyeed, isagoo caan ku noqday sawirro tayo sare leh iyo qabashada daqiiqadaha muhiimka ah ee ciyaaraha.
Isagoo ka hadlayay guushaan, Cabdulqaadir Muse Osman ayaa sheegay in ay tahay sharaf weyn iyo dhiirrigelin ku sii xoojinaysa shaqadiisa, isagoo xusay in dadaal iyo joogteyn ay muhiim u yihiin guul kasta oo la gaaro.
“Guushan waxay ii tahay dhiirrigelin weyn, waxaana sii wadi doonaa inaan bulshada u soo bandhigo sawirro tayo leh oo ka turjumaya quruxda iyo muhiimadda sports-ka,” ayuu yiri.
Guushan ayaa sidoo kale loo arkaa mid dhiirrigelin u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed ee hibada u leh sawir qaadista iyo warbaahinta, iyadoo muujineysa in karti iyo dadaal lagu gaari karo guulo waaweyn.

