HomeWararHIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda Jamhuuriya, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6), kaas oo ay ka soo qayb galeen bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, jaamacadaha, xirfadlayaasha ICT-da, iyo daneeyayaal […]

- Advertisement -

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

Muqdisho, 10 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda Jamhuuriya, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6), kaas oo ay ka soo qayb galeen bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, jaamacadaha, xirfadlayaasha ICT-da, iyo daneeyayaal kale, si looga wada hadlo mustaqbalka kaabeyaasha isgaarsiinta internet-ka iyo hirgelinta IPv6 ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Aqoon-isweydaarsigan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo baratakoolka hadda la isticmaalo (IPv4) uu ka yaraaday cinwaannada internet-ka, taas oo caqabad ku ah ballaarinta isku xirnaanta dhijitaalka ah. IPv6 wuxuu bixinayaa cinwaan tiro aan la koobi karayn, waxaanu suurtagelinayaa korriinka teknoolojiyadda mustaqbalka sida waxyaabaha isku xira (IoT), ganacsiga elektaroonigga ah, iyo adeegyada bulshada ee casriga ah.

“Himiladeennu mar walba waxay ahayd in Soomaaliya aysan ka harin isbeddellada teknoolojiyadda ee dunida,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh. “Maanta waxa aynu qorshaynaynaa ma aha oo keliya baahiyaha internet-ka ee maanta jira, balse sidoo kale waxa aynu ka fikiraynaa sidii jiilasha mustaqbalka ay u heli lahaayeen teknoolojiyadda casriga ah ugana faa’iidaysan lahaayeen koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.”

Mustafa Yaasiin ayaa intaas ku daray in wixii markii hore ahaa hiigsi lagu dhisayo Xarunta Qaran ee IPv6 ay maanta noqdeen xaqiiqo hirgashay oo taageeraysa geeddi-socodkan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda (JUST), Eng. Maxamed Axmed Maxamuud, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay diyaarinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha ICT-da. “Jaamacaduhu waxay door weyn ku leeyihiin horumarinta aqoonta, cilmi-baarista iyo hal-abuurka la xiriira IPv6, iyo sidoo kale tayeynta ardayda si ay uga qayb qaataan isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka,” ayuu yiri.

Intii uu socday aqoon-isweydaarsigu, khubaro kala duwan ayaa soo bandhigay mowduucyo ay ka mid yihiin baahida loo qabo istaraatiijiyad qaran oo IPv6 ah, hirgelinta farsamada iyo geeddi-socodka kala-guurka, siyaasadaha iyo maamul-wanaagga, iyo qaab-dhismeedyada siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta guuleysata.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa noqday madal lagu xoojinayo wacyiga ku saabsan IPv6, lagu adkaynayo iskaashiga daneeyayaasha, laguna taageerayo himilooyinka isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories