HomeWararSoomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Guud ee Dowladda Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, halkaas oo uu u gudbiyay farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo diiradda lagu saaray xoojinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada

Ouagadougou, – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Guud ee Dowladda Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, halkaas oo uu u gudbiyay farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

- Advertisement -

Kulankani wuxuu yimid xilli labada dal ay wadaagaan caqabado argagixiso oo isku mid ah – Soomaaliya waxay la dagaallamaysaa Al-Shabaab, halka Burkina Faso ay wajahayso kooxo ku xidhan Al-Qaacida iyo Dawladda Islaamiga ee ka howlgala Saaxilka Afrika. Xoojinta iskaashiga ayaa noqonaysa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu doonayo in la isweydaarsado xogta sirdoonka, la qabto tabararo wadajir ah, lana xoojiyo hay’adaha amniga.

“Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan dagaal lagu jiro argagixisada, sidaas darteed waa lama huraan in la xoojiyo iskaashiga,” ayuu yiri Wasiir Fartaag intii uu ka hadlayay kulanka. “Waxaan ka wada hadalnay sidii loo kobcin lahaa tababarrada, isweydaarsiga xogta sirdoonka, iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga.”

Wasiirka ayaa intaas ku daray in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga. Waxa uu sheegay in labada dal ay ka wada hadleen sida looga hortagi karo fidinta argagixisada ee gobolka Saaxilka Afrika iyo Geeska Afrika.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kabtan Ibrahim Traoré ayaa soo dhaweeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Burkina Faso ay diyaar u tahay in ay la wadaagto khibradaha amniga. Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wada-hadallada heer sare iyo in la sameeyo qorshe wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidammada difaaca ee labada dal.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts