Xamsa oo xal waara cunna-yarida la wadaagay WFP
Muqdisho, Arbaco, – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), uu hoggaaminayey Matthew Hollingworth, kaaliyaha dhanka mashaariicda, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa cunna-yarida, abaaraha, fatahaada iyo raadadkooda.
Kulankani wuxuu yimid xilli ay Soomaaliya soo food saartay roobab da’ badan oo keena fatahaado, iyadoo qaybo ka mid ah dalka ay ku sugan yihiin cunna-yari ba’an. Xukuumadda DanQaran waxay raadinaysaa inay ka wareejiso ku tiirsanaanta gargaarka dibedda una gudubto isku-filnaansho cunto oo waara.
“Soomaaliya waxay xilligan ka soo kabanaydaa dhibaatooyinkii dalka ragaadiyey,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha intii uu kulanka ka jeediyay. “Waxaan diyaarinay qorshayaal xal waara u noqon kara, waxaanan ka codsanayaa WFP inay dowladda gacan siiso sidii beeraleyda iyo reer guuraaga looga caawin lahaa inay ka faa’iideystaan wax-soo-saarkooda.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in xilligan roobaadka ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo jiheeyo beeraleyda si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, taasoo yaraynaysa baahida loo qabo gargaar shisheeye. Waxa uu uga mahadceliyey WFP doorkooda muhiimka ah, isagoo xusay in wada-shaqeyntu ay sii socon doonto.
Dhinaca WFP, Matthew Hollingworth ayaa bogaadiyey guulaha ay xukuumaddu gaartay ee ku aaddan xal waara. Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qayb ka qaataan qorshayaasha dowladda si dalku u gaaro isku-filnaansho cunto, loona yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibedda. Wafdigu wuxuu caddeeyey in WFP ay sii wadi doonto taageerada deg-degga ah, balse ay taageeri doonto istaraatiijiyadda mustaqbalka fog.

