Xavi Simons oo dhaawac culus soo afjaray xilli ciyaareedkiisa
Xiddiga kooxda Tottenham Hotspur iyo xulka Netherlands Xavi Simons ayaa si furan uga hadlay dhaawac culus oo ACL ah oo si lama filaan ah u soo afjaray xilli ciyaareedkiisa.
Ciyaaryahanka ayaa fariin uu ku baahiyay bartiisa Instagram ku muujiyay murugo iyo niyad jab, balse sidoo kale rajo ku saabsan soo kabashadiisa.
Wuxuu sheegay in dhaawacani yahay mid adag oo ka qaaday fursaddii uu ugu ciyaari lahaa kooxdiisa iyo dalkiisa, gaar ahaan inuu ka qeyb galo FIFA World Cup.
Simons ayaa si gaar ah u xusay in maqnaanshaha tartankaas uu yahay mid aad u xanuun badan, maadaama uu rajeynayay inuu matalo qarankiisa.
Wuxuu intaa ku daray in ay qaadan doonto waqti si uu u fahmo una aqbalo waxa dhacay, balse uu go’aansaday inuusan niyad jabin.
“Waxaan ku socon doonaa waddadan anigoo leh iimaan iyo adkeysi… waxaana tirinayaa maalmaha aan dib ugu soo laabanayo garoonka,” ayuu yiri Simons.
Taageerayaal badan iyo ciyaartooy kale ayaa fariintiisa si weyn uga falceliyay, iyagoo u diray taageero iyo duco bogsasho.
Simons ayaa dhaawaca soo gaaray kadib markii bareel looga saaray garoonka kulankii ay kooxdiisu ka hortimid Wolverhampton Wanderers.
Dhanka kale, kooxda Tottenham ayaa wali wajahaysa cadaadis ku saabsan natiijooyinka horyaalka Premier League, iyadoo u baahan inay ka fogaato khatarta hoos u dhaca, xilli ay weli u harsan yihiin kulamo adag oo go’aamin kara mustaqbalkeeda.

