GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO
Baydhabo, Soomaaliya – 26 Abriil 2026 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud kusoo dhoweeyey hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan maamulka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha ayaa hadal uu ka jeediyay garoonka diyaaradaha uga mahadceliyey masuuliyiinta iyo bulshada sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen, isagoo xusay in muddada uu ku sugan yahay Baydhabo uu kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in dhawaan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka dhici doonto doorasho ay ku qanacsan yihiin shacabka reer Koonfur Galbeed, taas oo ka shaqeyn doonta horumarinta adeegyada dowladnimo ee ay xaqa u leeyihiin.

