HomeWararWasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Furay Kulanka Wadatashiga Xeerarka Cusub iyo Ka Qaybgalay...

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Furay Kulanka Wadatashiga Xeerarka Cusub iyo Ka Qaybgalay Daahfurka Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsado

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Caddaaladda oo Furay Kulanka Wadatashiga ee Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka wadatashiga ee labada Hindise-sharciyeed ee kala ah Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law), kaas oo socon doona muddo laba […]

- Advertisement -

Wasiirka Caddaaladda oo Furay Kulanka Wadatashiga ee Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka wadatashiga ee labada Hindise-sharciyeed ee kala ah Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno sare oo ka kala socday bahda cadaaladda, khubaro sharci, iyo wakiillo ka socda kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka. Wasiirka ayaa xusay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka iyo sharciyada dalka, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah, isla markaana loo xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

- Advertisement -

Isagoo ka hadlayay muhiimadda labada xeer, Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in Xeerka Taxkiimka uu muhiim u yahay xallinta khilaafaadka ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la sameeyo sharciyo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo wadatashi dhab ah, si ay u noqdaan kuwo taageera dowlad wanaagga, caddaaladda, horumarka iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Daahfurka Shabakadda Urur Goboleedka Soo Celinta Hantida La Lunsado ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sidoo kale maanta ka qeyb galay shirka daahfurka urur goboleedka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee soo celinta hantida sharci-darrada ah loo lunsado, kaas oo ka soconaya magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta u dhaxaysa 8–9 October 2025.

- Advertisement -

Ururkan goboleed oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka aasaasay, ayaa kulmiya wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee ku saabsan la dagaallanka tahriibinta hantida sharci darrada ah iyo soo celinta hantida la lunsado.

Inta uu socdo kulanka, Wasiir Xasan Macallin ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo doorka ururkan iyo muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhinaca xoojinta iskaashiga wax ku oolka ah ee lagu xakameynayo tahriibinta hantida sharci darrada ah, isla markaana loo fududeeyo dabagalkeeda iyo soo celinteeda.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer caalami ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi iyo wada-shaqeynta dhanka cadaaladda iyo soo celinta hantida la lunsado ee ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leedahay dowladaha gobolka.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories