HomeCaalamkaMaxkamadda Dambiyada Dagaalka oo Amar Qabasho Kusoo Saartay Hoggaamiyeyaal Sare oo Taliban...

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka oo Amar Qabasho Kusoo Saartay Hoggaamiyeyaal Sare oo Taliban ka Tirsan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo culus oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan. Maxkamaddu waxay sheegtay in ay hayso “sababo macquul ah” oo muujinaya in: Hibatullah Akhundzada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo culus oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay hayso “sababo macquul ah” oo muujinaya in:

- Advertisement -
  • Hibatullah Akhundzada – hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban

  • Abdul Hakim Haqqani – madaxa cadaaladda kooxda
    ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, iyagoo si nidaamsan u curyaamiyay xuquuqda haweenka tan iyo markii ay xukunka qabteen sannadkii 2021.

Eedeymuhu waxay ku saleysan yihiin:

- Advertisement -
  • Mamnuucidda waxbarashada gabdhaha,

  • Xayiraad lagu soo rogay haweenka dhanka shaqada iyo dhaq-dhaqaaqa,

  • Iyo guud ahaan kala sarreynta iyo takoor ka dhan ah haweenka oo noqotay xeer rasmi ah gudaha dalkaas.

Taliban, oo si kulul uga jawaabtay amarka maxkamadda, ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsanayn ICC, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loola jeedo diinta Islaamka iyo Muslimiinta caalamka”.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ICC ayaa sii wadaysa baadhitaanno ku saabsan xadgudubyada bani’aadantinimo ee ka socda gudaha Afghanistan tan iyo markii Taliban dib ugu soo laabatay talada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts