HomeCaalamkaMaxkamadda Dambiyada Dagaalka oo Amar Qabasho Kusoo Saartay Hoggaamiyeyaal Sare oo Taliban...

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka oo Amar Qabasho Kusoo Saartay Hoggaamiyeyaal Sare oo Taliban ka Tirsan

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo culus oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan. Maxkamaddu waxay sheegtay in ay hayso “sababo macquul ah” oo muujinaya in: Hibatullah Akhundzada […]

- Advertisement -

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo culus oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay hayso “sababo macquul ah” oo muujinaya in:

- Advertisement -
  • Hibatullah Akhundzada – hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban

  • Abdul Hakim Haqqani – madaxa cadaaladda kooxda
    ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, iyagoo si nidaamsan u curyaamiyay xuquuqda haweenka tan iyo markii ay xukunka qabteen sannadkii 2021.

Eedeymuhu waxay ku saleysan yihiin:

- Advertisement -
  • Mamnuucidda waxbarashada gabdhaha,

  • Xayiraad lagu soo rogay haweenka dhanka shaqada iyo dhaq-dhaqaaqa,

  • Iyo guud ahaan kala sarreynta iyo takoor ka dhan ah haweenka oo noqotay xeer rasmi ah gudaha dalkaas.

Taliban, oo si kulul uga jawaabtay amarka maxkamadda, ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsanayn ICC, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loola jeedo diinta Islaamka iyo Muslimiinta caalamka”.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ICC ayaa sii wadaysa baadhitaanno ku saabsan xadgudubyada bani’aadantinimo ee ka socda gudaha Afghanistan tan iyo markii Taliban dib ugu soo laabatay talada.

Latest stories