HomeCaalamkaIsraa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen...

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Israa’iil ayaa ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto weerar gantaal ah oo ay sheegtay in laga soo riday dalka Yemen, islamarkaana ay ka dambeysay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah. Gantaalkaasi oo ay Israa’iil sheegtay in si nabad ah loo qabtay, ayaa la ridey Sabtidii, sida lagu sheegay war kasoo baxay militariga dalkaasi. […]

- Advertisement -

Dowladda Israa’iil ayaa ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto weerar gantaal ah oo ay sheegtay in laga soo riday dalka Yemen, islamarkaana ay ka dambeysay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah. Gantaalkaasi oo ay Israa’iil sheegtay in si nabad ah loo qabtay, ayaa la ridey Sabtidii, sida lagu sheegay war kasoo baxay militariga dalkaasi.

Xuutiyiinta, oo kasoo jeeda waqooyiga Yemen, ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu ahaa jawaab celin weerarada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan Marinka Qaza. Tani waxay ahayd weerarkii ugu horreeyay ee kooxdaasi ay ku beegsato Israa’iil tan iyo markii la gaaray xabbad-joojin u dhaxaysay Tel Aviv iyo Tehran 24-kii June, kadib dagaal 12 maalmood socday.

- Advertisement -

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, ayaa si kulul uga hadlay weerarka, isagoo yiri:
“Markii aan beegsanay madaxa maska ee Tehran, hadda waxaan beegsaneynaa gacanta. Cid kasta oo gacan ku siisa weerarada ka dhanka ah Israa’iil, gacanteeda ayaa la jarayaa.”

Sidoo kale, Gallant ayaa ku hanjabay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay xayirto hawadeeda, isla markaana ciidamo badeed u dirtay marinada muhiimka ah, haddii Xuutiyiinta ay sii wadaan weerarada.

Digniinaha sirigaha ayaa laga maqlay meelo kala duwan oo Israa’iil ah, oo ay ka mid yihiin Qudus, kadib markii nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil uu qabtay gantaalka. Militariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarkaasi uu sababay xaalad feejignaan ah, balse aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

- Advertisement -

Dhanka kale, Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa Talaadadii shaaciyay inay fuliyeen afar howlgal milatari oo ka dhan ah Israa’iil, kuwaasoo ay sheegeen inay beegsadeen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv, aagagga xeebaha Jaffa, Ashkelon iyo magaalada Eilat (oo ay ugu yeeraan Umm al-Rashrash).

Weeraradaas ayaa lagu sheegay in lagu adeegsaday laba gantaal oo hypersonic ballistic ah iyo saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drone).

Safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku yiri:
“Waxaan moodayay in duqeymaha Israa’iil lagu bartilmaameedsanayo ay joogsadeen, balse Xuutiyiinta ayaa weerar kale ku qaaday. Nasiib wanaag, nidaamka difaaca hawada ee cajiibka ah ayaa na badbaadiyay.” Wuxuu intaas ku daray in laga yaabo in diyaaradaha Maraykanka ee B-2 ay dib u booqdaan Yemen.

Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Qaza bishii October 2023 si isdaba joog ah u beegsaday Israa’iil iyo maraakiibta maraya badda Cas, taas oo si weyn u saameysay isu socodka ganacsiga caalamiga ah. In badan oo ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen ayaa la qabtay, inkasta oo qaar ay gaareen bartilmaameedyadooda.

Israa’iil ayaa hore duqaymo xagga cirka ah ugu qaaday dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, gaar ahaan magaalada Sanca. Mareykanka ayaa sidoo kale horey u qaaday weeraro ka dhan ah kooxdaas, inkastoo markii dambe la gaaray heshiis xabbad-joojin ah.

Yemen oo ah meel juquraafi ahaan muhiim u ah isu socodka badda Cas iyo gacanka Cadmeed, ayaa si istiraatiiji ah uga dhigtay Xuutiyiinta awood marin u leh weerarada ka dhan ah Israa’iil iyo saaxiibbadeeda.

Latest stories