HomeWararTukan adeegga khudaarta iyo raashinka ku gadaya habka intarneedka oo ku yaal...

Tukan adeegga khudaarta iyo raashinka ku gadaya habka intarneedka oo ku yaal Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maxaad sameyneysaa haddii aadan awoodin inaad raashinka soo gadan karto Mogadishu? Waxaad la xiriiraysaa Bustan Grocery oo ah xarun habka intarneedka waxa ku iibisa (Online). Aasaasaha ganacsigan, ganacsade da’yar Ali Macaane, wuxuu isticmaalaa baraha bulshada si uu dadka ugu sheego adeegga uu gado. “Sababtoo ah dadka Soomaaliyeed badankoodu waxay isticmaalaan baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, […]

- Advertisement -

Maxaad sameyneysaa haddii aadan awoodin inaad raashinka soo gadan karto Mogadishu? Waxaad la xiriiraysaa Bustan Grocery oo ah xarun habka intarneedka waxa ku iibisa (Online).

Aasaasaha ganacsigan, ganacsade da’yar Ali Macaane, wuxuu isticmaalaa baraha bulshada si uu dadka ugu sheego adeegga uu gado.

- Advertisement -

“Sababtoo ah dadka Soomaaliyeed badankoodu waxay isticmaalaan baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, waxaan go’aansaday inaan Bustan Grocery ku xayeysiiyo intarneedka. Ganacsiyada kale intooda badan waxay isticmaalaan hababka xayeysiinta ee dhaqankaas.”

Adeegga waxaa sidoo kale lagu xayeysiiyo Facebook halkaas oo maalin walba la soo dhigo macluumaad ku saabsan alaabta iyo qiimahooda.

Dadka adeeggan isticmaala badankood waa haween shaqeeya, hooyooyin iyo arday.

- Advertisement -

Muna Ibrahim Mohamed waa hooyo laba carruur ah leh, waa macaamisha joogtada ah ee Bustan.

“Ma haysto qof carruurtayda guriga iigu si illaalin kara,” ayay tidhi. “Hadda waxaan ka dalbanayaa khudradda iintarneedka waxaana si toos ah la igu keenayaa albaata guriga.”

Macaane, wuxuu sheegay in ganacsigu leeyahay caqabado badan, gaar ahaan dhismaha waddooyin xun, jam iyo ammaanka oo aan wanaagsansanayn.

“Dadka way xanaaqaan marka khudradda iyo cuntooyinka la warshadeeyay lagala daaho,” ayuu yiri. “Waxaan sameynaa wax walba oo aan awoodno si aan u fulinno baahida macaamiisheena.”

Sida oo kale, waxay shaqo u abuureysaa  Macaane iyo qoyskiisa, kuwa keenana raashinka ayaa sidoo kale ka faa’iidaysta.

“Waxa ay nagu qaadatay dadaal badan, hadda ganacsigan waan ka dhabaynay,” ayuu yiri. “Waxa aan shaqo u abuuraynaa dhallinyarada wadda bajaajta iyo mootooyinka maadaama ay alaabta noo keeniyaan una geynayaan macaamiisha.”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories