HomeBilan Media SomaliJaadka Miirowga oo dib suuq uga helay Soomaaliya (Warbixin)

Jaadka Miirowga oo dib suuq uga helay Soomaaliya (Warbixin)

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Heshiis ka kooban 11 qodob oo madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku kala saxiideen Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya bishii July ee sannadkan ayuu qeyb ka ahaa in Jaadka Miiraa dib loogu suuq geeyo magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Soomaaliya. Tan iyo heshiiskaas waxaa si caadi ah garoomada diyaaradaha ee caasimadda iyo xarumaha […]

- Advertisement -

Heshiis ka kooban 11 qodob oo madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku kala saxiideen Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya bishii July ee sannadkan ayuu qeyb ka ahaa in Jaadka Miiraa dib loogu suuq geeyo magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Soomaaliya.

Tan iyo heshiiskaas waxaa si caadi ah garoomada diyaaradaha ee caasimadda iyo xarumaha dowlad goboleedyada uga soo dega diyaarado sida qaadka Miiraa ee laga keeno gobolka Meru ee dalka Kenya.

- Advertisement -

Horay dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad u saartay Jaadkan kadib markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya waxaa markaas loo ogolaaday ee Soomaaliya la keeno jaadka loo yaqaano “Hareeri” ee dalka Ethiopia.

Ganacsatada Jaadka ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka dib u soo laabtay ee Soomaaliya iyo Kenya iyo Jaadka Miiraa xayiraadda laga qaado, qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta Bilan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xayiraadda laga qaaday Jaadka dalka Kenya.

- Advertisement -

Xaliimo Yuusuf oo kamid haweenka waqtiga dheer ka ganacsayey Jaadka Miiraa ayaa sheegtay in tani ay fursad ganacsi u tahay ganacsatada Jaadka ee Soomaaliya oo dhan maadaama dadka isticmaala ay aad u jecel yihiin nuucan laakiin waxa ay sheegtay in marka loo eego canshuurta ay dowladdu ka qaado ay tahay culeys ku soo kordhay ganacsatada.

Iyada oo ka walaacsan canshuurta ay ku sheegtay xad-dhaaf ee la duldhigay jaadka ayey u sheegtay warbaahinta Bilan ‘‘dhowr meel ayaa hadda canshuur na looga qaadaa, waan ku wareenay, lacag badan ayaa nalagu siiyaa marka aan soo qaadaneyno sidaas oo ay tahay lacag yar ayaa ku iibinaa”.

“markii hore ee uu doomaha  ku imaanayay sida qarsoodida ah ayuu roonaa dhaqaale ahaan maxaa yeelay  waxaan ka heleyney nolol maalmeedkeenna,laakiin hadda marki ay dowladdu si caadi ah u fasaxday canshuur iyo dallaal fara badan ayaa na dul dhigay,hase yeeshee dadku waa ay xiiseynayaan miirowga” ayeey hadalkeeda raacisay.

Dhaqaaleyahanna Soomaaliya ayaa rumeysan in jaadku ay uu hoos u dhac dhaqaale u horseedi karo dalka maadaama sida ay uu sheegeen six ad dhaaf ah loo keeno Jaadka suuqyada caasimadda iyo gobolada dalka.

Dr Shaafici Shariif Maxamed oo ah madaxa ururka cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Bilan u sheegay ‘‘Kenya waxa ay sheegtey in todobaad gudihiisa lacag dhan 1.2 milyan dollar ay ka heshey Soomaaliya  taas oo muujineyso dhaqaalaha aadka u tirada badan ee Soomaaliya kaga baxo qaadka. dhaqaalaha dalka wuu hooseeyaa sidaa darteed haddii ay sii socoto arintaan dhaqaalihii markii horeba yaraa wuu bur burayaa”.

 

Waxa uu intaa ku daray “wax soo saarka beeraha ayaa yaraanaaya dhalinyaradii wax soo saari lahaaa haddii jaad ku mashquulaan iyadana dhibaato aad uweyn ayey noqon doontaa. waxaa yaraan doonta kalsoonida lagu qabi karo in uu koro dhaqaalaha dalka.’’

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories