HomeWararWarbixin: Barakacayaasha iyo saameynta uu ku yeeshay Roobka

Warbixin: Barakacayaasha iyo saameynta uu ku yeeshay Roobka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

495 qoys oo ka soo barakacay Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku nool xerada Barakacayaasha ee Diiqo oo ku taalla deegaanka Tareedisho Barakacayaasha deegaameysanayo, xeradan waxa ay u badan yihiin Carruur iyo Haween kuwaasi oo wajahayo dhibaatooyin ku saabsan dhanka nolosha. Dhibaatooyinka aasaasiga ka sokow waxa ay barakacayaasha saameyn aan wanagsaneyn ka dhaxleen roobabka xagaaga […]

- Advertisement -

495 qoys oo ka soo barakacay Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku nool xerada Barakacayaasha ee Diiqo oo ku taalla deegaanka Tareedisho Barakacayaasha deegaameysanayo, xeradan waxa ay u badan yihiin Carruur iyo Haween kuwaasi oo wajahayo dhibaatooyin ku saabsan dhanka nolosha.

Dhibaatooyinka aasaasiga ka sokow waxa ay barakacayaasha saameyn aan wanagsaneyn ka dhaxleen roobabka xagaaga ah ee ka da’ay magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah qoysaska ayaa ku gurya beelay, maadaama ay ku nool yihiin guryo ka sameysan baco iyo cooshado lasku geeyay.

- Advertisement -

Qoysaska ku nool xeradan ma heystaan, hooyo wanaagsan, wax ay jidiinka saaraan iyo shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha oo qaarkood ayaa ku nool waxyaabo ay ka soo dawarsadaan magaalada, waxaa taasi u sii dheer wadooyinkii ay u mari lahaayeen magaalada Qaarkood waxaa burburiyay roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Xabiiba Xuseen Maxamed oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool xerada nolosha adag ay wajaheyso waxaa u wehliyo in ay ku dhex heyso xerada gabadheeda oo dhalan maalmo, waxa ay tiri “marka uu yimaado roobka waxa aan geeyaa guri dariska ah oo ka yara roon kan aan ku nool nahay si uusan roobka ugu di’in gabadha iyo canugeeda waxa aan codsan laheyn in dhanka hooyga nagala caawiyo”

- Advertisement -

Barakacayaasha ayaa maalinba maalinka ka danbeysa waxa ay soo gaarayaan xeradan iyo meelo kale oo magaalada ah si ay u helaan nolol dhaanta midii ay ku heysteen deegaanadii ay uga soo barakaceen abaaraha.

Qoysaskii ugu danbeeyay ee soo gaaray xerada waxaa ka mid ah Soonto Cabdalla oo heysta 8 carruur ah waxa ay tiri “Carruurta qaar waxaa iiga dhacay hergab iyo malaariyo, sidoo kale xanuun dartiisa waxaa iiga geeriyooday hal cunug oo 2 jir ah waxa aan cabis ka qabnaa roobka da’i kara waqti waliba sababta oo ah ma heysano waxa aan dhaxanta ka hubsano iyo hooy aan ka galno roobka iyo cadceeda.”

Macalin Maxamed Xaaji iyo qoyskiisa waxa ay ka mid yihiin dadkii ugu horeeyay ee soo gaaray xeradan kuwaasi oo dib u dajin loo sameeyay, “waxa uu xusay in dadka ku nool halkan aysan heysan, cunto, hooyo iyo musqulo una baahan yihiin in lala soo gaaro gergaar dag dag ah”.

Horjoogaha xeradan Khadiija Mohamed ibraahim  ayaa u sheegtay  Bilan media “in ay muhiim tahay, in ay dadkan ay helaan gergaar  baco ah oo ay ka dugsadaan robaabka xagaaga oo si joogta ah uga da a xeradan”.

 Qoysaska barakacayaasha ee ku nool muqdisho ayaa wajahaya noloshii ugu adkeyd maadaama xoolahooda iyo beerahooda ay ku waayeen abaaraha ku dhuftay, qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa dhibta ugu sii darsamay, xanuuno ay ka dhexleen roobabka iyo hooyo la’aan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories