HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Guddi ka kooban 5-xubnood magacaabay

Madaxweynaha Puntland oo Guddi ka kooban 5-xubnood magacaabay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ). Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka kooban 5-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Aas loogu saameyn lahaa Wasiirkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ).

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka kooban 5-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Aas loogu saameyn lahaa Wasiirkii hore ee amniga oo lagu wado in lagu duugo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

- Advertisement -

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Axmed Cabdullaahi uu kusoo booday xanuun kedis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa, kadibna la xaqiijiyay inuu xanuukaas u geeriyooday xalay Wasiirkii hore ee amniga Puntland.

Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa waxa uu kamid ahaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaa  labadii sano ee u dambaysay, wuxuuna sidoo kale kamdi ahaa khuburadii dhanka ammaanka ee ku howlanaa tala bixinta ammaanka dalka.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.

- Advertisement -

1-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)

2-Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan  (Xubin )

3-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)

4-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )

5-Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts