HomeWararAxmed Madoobe "Waxaan diyaar u ahay in aan sameeyo wax kasta oo...

Axmed Madoobe “Waxaan diyaar u ahay in aan sameeyo wax kasta oo tanaasul ah”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka socda Garoowe, isagoo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrinta Gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka mar kasta dowladda ay ku daabusho Gobolka Gedo ay ka leedahay danno gaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka socda Garoowe, isagoo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka mar kasta dowladda ay ku daabusho Gobolka Gedo ay ka leedahay danno gaar ah, isla markaana Ciidankaas loogu tala-galay inay dagaal la galaan kuwa Jubbaland ee halkaas ka saaray Al-shabaab.

- Advertisement -

Arrinta Gedo ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in dhowr jeer la isku dayay in xaliyo kahor inta aan heshiiska laga gaarin doorashada dalka, wuxuuna xusay in arrintaas Guddi loo saaray, hayeeshee wax kasta oo lagu doonayay in xaliyo ay fashilmeen.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeeyan arrimo aan xiligaan loo joogin, isla markaana ay ja mashquuleen doorashadii lagu heshiiyay ee dalka ka dhaceysa.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu ku baaqay in heshiis laga gaaro khilaafyada ka taagan doorashada, lana xaliyo wax kasta oo jira, isla markaana waxaa uu cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta oo tanaasul u ah dowladnimadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe ka hadlay, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal arrintaas, isla markaana uusan difaacin Kenya, uuna yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts