HomeWararAxmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Garoowe kulan gaar ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka dhexmaray Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya ee weli uu muranka ka taagan yahay. Sidoo kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Garoowe kulan gaar ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya ee weli uu muranka ka taagan yahay.

- Advertisement -

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii si wadajir ah looga wadashaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho nabad ah oo loo dhan yahay, maadaama hadda khilaf xoogan uu ka taagan yahay doorashada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweye Axmed Madoobe uu Guddoomiyaha Golaha Shacaka u sheegay in muhiim ay tahay in dowladda ay fuliso dalabkii Jubbaland ee ahaa in Gobolka Gedo laga saaro Ciidanka dowladda, si ay doorashada uga dhacdo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan kale la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka SOomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyagoona ka hadlay arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee Jubbaland.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts