HomeWararKulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Uhuru Kenyatta oo Goordhow furmay

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Uhuru Kenyatta oo Goordhow furmay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xarunta Madaxtooyada Kenya ayaa waxaa Goordhow si rasmi ah uga furmay kulan u dhexeeya Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo qodobo kale oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xarunta Madaxtooyada Kenya ayaa waxaa Goordhow si rasmi ah uga furmay kulan u dhexeeya Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibada Somailand Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Yaasiin Faratoon) oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ay gaari doonaan heshiis gaar ah u Arrimaha Somaliland.

Kenya waxay sheegtay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay degganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtaraka iyo maalgashiga.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalank wax loogu yeero argagixisada.

- Advertisement -

Si kastaba kulankaan u socda Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoona Dacwadaasna shir deg deg laga yeelanayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts