HomeWararKhasaaro ka dhashay Dab xoogan oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Dab xoogan oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan barqannimadii Maanta ka dhacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo badan. Dabka ayaa marka horey ka bilowday Guri ku yaalla meel ku dhow beerta Jaadka ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa uu kusii faafay guryo kale oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan barqannimadii Maanta ka dhacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

Dabka ayaa marka horey ka bilowday Guri ku yaalla meel ku dhow beerta Jaadka ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa uu kusii faafay guryo kale oo ku deganaa, isla markaana waxaa uu socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe la demiyay.

- Advertisement -

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tegay goobta oo bilaabay gurmad lagu deminayo dabkii qabsaday guryaha, waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Waaxda dab demiska iyo dadka deegaanka ku guuleysteen deminta dabkaas.

Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo badan, balse uusan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay, uuna baabi’iyay afar guri, wuxuuna marka horey dabka ka dhashay koronto.

Guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga ka kacay dab geystay khasaaro kala duwan, waxaana mararka qaarkood gaadiidka dab demiska ku adkaata inay gaaran goobaha dabka ka kacaan, sababo la xiriira xaafadaha qaarkood oo ah kuw isku raran ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts