HomeWararAl-shabaab oo hub badan kala soo degtay deegaan ka tirsan Puntland

Al-shabaab oo hub badan kala soo degtay deegaan ka tirsan Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ee dhinaca Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas uu Al-shabaab uga soo degay hub badan. Hubka ayaa la sheegay in Al-shabaab uu uga soo degay xeebta deegaanka Durduri ee hoostega degmada Laasqoray, isla markaana hubka lagu keenay doon loo ekaysiiyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ee dhinaca Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas uu Al-shabaab uga soo degay hub badan.

Hubka ayaa la sheegay in Al-shabaab uu uga soo degay xeebta deegaanka Durduri ee hoostega degmada Laasqoray, isla markaana hubka lagu keenay doon loo ekaysiiyay nooca kalluumeysiga, taasi oo la tilmaamay inay ka timid dalka Yemen.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in hubkaas uu ahaa kuwa fudud ee gacanta lagu qaato, waxaana xubno ka tirsan Al-shabaab oo tegay xeebta ay kasoo qaadeen hubka, iyagoona la aaday dhinaca buuraleyda Calmadow oo ay ku xoogan yihiin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland oo ku aadan hubka Al-shabaab uga  soo degay xeebta deegaanka Durduri ee hoostega degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa ku sugan buuraleyda Calmadow, waxaana halkaas ay dagaalo khasaaro geystay ku dhexmareen Shabaabka iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland, kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay lahaayeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts