HomeCaalamkaMid kamid ah dalalka ku yaalla Yurub oo soo rogay xayiraado Cusub

Mid kamid ah dalalka ku yaalla Yurub oo soo rogay xayiraado Cusub

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo hareeraheeda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xayiraado cusub laga bilaabo 23-ka bishaan 2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

- Advertisement -

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga,

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories