HomeCaalamkaOlolaha Doorashada Mareykanka oo meeshii ugu sarreeysay gaaray

Ololaha Doorashada Mareykanka oo meeshii ugu sarreeysay gaaray

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Iyadoo laba maalin oo qura ah ay ka harsan tahay maalinta Talaadada ee 3-da November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayay musharraxiinta ku Tartameysa doorashada ay Sabti shalay si aad ah u xoojiyeen ololahooda gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan tartanka doorashada. Trump ayaa Sabtidii afar isku soo bax […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo laba maalin oo qura ah ay ka harsan tahay maalinta Talaadada ee 3-da November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayay musharraxiinta ku Tartameysa doorashada ay Sabti shalay si aad ah u xoojiyeen ololahooda gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan tartanka doorashada.

Trump ayaa Sabtidii afar isku soo bax ku qabtay magaalooyin ku yaala gobolka Pennsylvania, halkaas oo uu si dirqi ah ugu guuleystey 2016-kii, iyadoo ra’yi aruurinta gobolkaasi ay muujineyso in waxoogaa yar u uku horreeyo Biden.

- Advertisement -

Trump oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Newtown ee gobolkaasi ayaa cambaareeyay go’aanka ay Maxkamadda Sare ku diiday dacwad ay xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen in ay Maxkamadda ku joojiso muddo kordhin saddex maalin ah oo ay guddiga doorashada gobolka Pennsylvania ugu dareen dadka codadkooda dhiibanaya iyaga oo maqan.

Musharraxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa isna Sabtidi ka ololeeyay gobolka muhimka ah ee Michigan. Biden waxaa ololihii ku wehliyay madaxweynihii hore ee Mareykana Barack Obama oo ay markii ugu horreysay si wada jir ah uga wada qeyb-galeen ololaha doorashada tan iyo intii ay dimoqraadiyiinta billaabeen olalaha doorashada ee sannadkaan.

Labaduba waxay booqdeen magaalooyinka Flint iyo Detroit ee gobolkaasi. Biden oo ka hadlayay magaalada Flint, ayaa diiradda saaray sidii Trump uu u maareeyay cudurka safmarka ee covid-19. Obama ayaa isna ku tilmaamay Biden inuu yahay shakhsi uu jecelyahay isla markaana uu rumeysanyahay inuu noqon doono madaxweyne wanaagsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts