HomeCaalamkaMusharax Joe Biden oo si Cad u difaacay Soomaalida iyo Trump oo...

Musharax Joe Biden oo si Cad u difaacay Soomaalida iyo Trump oo fashilmay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Joe Biden iyo Madaxweyne Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay iyagoo is dhaafsanaya hadallo adagag oo aanu waxba la iskugu harin. Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soogalootiga waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo oo ay ka mid ahaayeen hadallo lagu dhaleeceynayo nacaybka Trump uu qabo dadka oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Joe Biden iyo Madaxweyne Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay iyagoo is dhaafsanaya hadallo adagag oo aanu waxba la iskugu harin.

Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soogalootiga waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo oo ay ka mid ahaayeen hadallo lagu dhaleeceynayo nacaybka Trump uu qabo dadka oo galootiga ah.

- Advertisement -

Haatan Biden ayay suurogal tahay iney maalmo uun uga harsantahay inuu noqdo madaxweynaha 46-xaad ee Mareykanka.

Waxa uu Biden sheegay in Trump uu ku f ashilmay fayraska corona oo kama uusan fakarain badbaadinta dadka reer Mareykan.

Waxa uu intaasi ku daray iney khalad tahay in Donald Trump uu Soomaalida ku tilmaamo Argagixiso.

- Advertisement -

“Waa sababta Trump uu ugu ceeybeysan yahay inuu Soomaali qaxooti ah oo nolol wanaagsan soo raadsaday ku tilmaamo dad argagixiso ah.” Waxaan u baahanahay madaxweyne dadka isu keeno ee uma baahnin mid na sii kala qeybiyo.”

Waxaa durbadiiba hadalkiisa soo dhexgalay qaar ka mid ah taageerayaasha Trump balse waxa uu Biden yiri: Dadkan qeylinaya ma ahan dad deggan oo xushmad leh, waa sida Trump oo kale.”

Madaxweyne Trump ayaa Minnesota 4 sannadood ka hor ku guul dareeystay 44,000 oo cod waana mid ka mid ah gobollada uu sannadkan doonaya inuu ka helo taageerayaal u janjeera dhanka xisbiga Republican-ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts