HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Faransiiska oo heegan buuxa geliyay Ciidamadiisa

Wararkii ugu dambeeyay Faransiiska oo heegan buuxa geliyay Ciidamadiisa

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Faransiiska ayaa xoojinaya amnigiisa dal iyo dibad-ba kadib markii nin looga shakisan yahay inuu Islaami yahay uu mindi ku dilay seddex qof oo ku sugnaa kaniisad kutaala magaalada Nice ee koonfurta Faransiiska. Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in khatartu ay meelkasto ka jirto. Golaha difaaca ee Faransiiska ayaa xoojiyay howlgelinta askarta […]

- Advertisement -

Faransiiska ayaa xoojinaya amnigiisa dal iyo dibad-ba kadib markii nin looga shakisan yahay inuu Islaami yahay uu mindi ku dilay seddex qof oo ku sugnaa kaniisad kutaala magaalada Nice ee koonfurta Faransiiska.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in khatartu ay meelkasto ka jirto.

- Advertisement -

Golaha difaaca ee Faransiiska ayaa xoojiyay howlgelinta askarta si ay u ilaaliyaan meelaha caamka ah oo guud ahaan ka kooban kow iyo toban kun. Eedeysanaha kow iyo labaatan jirka ah ee u dhashay Tuniisiya kaasi oo ay booliska toogteen ayaa weli ku jira isbitaalka.

Qoyskiisa ayaa sheegay in wiilkooda uu magaalada Nice yimid maalin un ka hor weerarka, taas oo sare u qaaday tuhunka ah inuu isagu qorsheeyey weerarka iyo in laga yaabo inay dad kale gacan ka geysteen.

Saraakiisha Tunisia ayaa waxay sheegeen in ninkan afar sano ka hor lagu xiray dalkiisa hooyo isagoo loo haystay dambiyo la xiriira dagaal mindi loo adeegsaday.

- Advertisement -

Mr Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories