HomeWararDowladda oo shaacisay in Khad Cusub laga howl-geliyay Koonfurta Somalia

Dowladda oo shaacisay in Khad Cusub laga howl-geliyay Koonfurta Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay inuu shaqo bilaabay Khadka labaad ee Xarrigga Internet-ka oo laga howl-geliyay Magaalada Muqdisho. Wasiir Canshuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Xarrigga Cusub ee Internet-ka labaad ah uu xoojin fiican u yeeli doono xariggii hore ee Internet ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay inuu shaqo bilaabay Khadka labaad ee Xarrigga Internet-ka oo laga howl-geliyay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Canshuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Xarrigga Cusub ee Internet-ka labaad ah uu xoojin fiican u yeeli doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey Muqdishon, iyadoona cilad bixin lagu wado midkii hore.

- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Xukuumadda sigaar ah uga mahadceliyay Shirkadda SOMTEL oo si deg-deg uga jawaabtey baaq horey uga soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad Internet-ka Muqdisho.

Sidoo kale Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in dalka soo gaarey oo Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Siihayaha Wasiirka Boostada Isgaarsiinta.

- Advertisement -

Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts