HomeWararDad lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Degmo ka tirsan Gedo

Dad lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Degmo ka tirsan Gedo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa howlgalo saacado badan qaatay ka sameeyay gudaha Magaalada, iyagoona kusoo qabtay dad dhowr ah. Ciidamada Nabadsugida Balad-xaawo ayaa inta uu socday howlgalka baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka saarnaa, isla markaana dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dhanka amniga. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa howlgalo saacado badan qaatay ka sameeyay gudaha Magaalada, iyagoona kusoo qabtay dad dhowr ah.

Ciidamada Nabadsugida Balad-xaawo ayaa inta uu socday howlgalka baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka saarnaa, isla markaana dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dhanka amniga.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay dad u badan dhalinyro ah oo looga shakiyay inay wadeen falal amni darro, kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah, kadibna qaar kamid ah lasii daayay, halka kuwo kalena weli Ciidamada ay ku wadaan baaritaano.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka degmada  Balad-xaawo Cabduqaadir Xuseen Ibraahim oo markii uu soo dhamaaday howlgalka warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Sidoo kale Taliye Cabduqaadir Xuseen ayaa shacabka kunool degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ka dalbaday inay la shaqeeyan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo qal-qal gelin kara amniga ka jira halkaas.

- Advertisement -

Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana bishii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo kamid ahaa Askartii halkaas la geeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts