HomeWararWafdi ka socday Dowladda Federaalka oo gaaray Kismaayo iyo Ujeedkooda

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka oo gaaray Kismaayo iyo Ujeedkooda

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Xirsi Aadan Rooble. Wasiir ku-xigeenka Xirsi Aadan ayaa waxaa socdaalkiisa Kismaayo ku welinayay Maareeyaha Guud ee Hay`adda duulista iyo Saadaasha Hawada DFS Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Garoonka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Xirsi Aadan Rooble.

Wasiir ku-xigeenka Xirsi Aadan ayaa waxaa socdaalkiisa Kismaayo ku welinayay Maareeyaha Guud ee Hay`adda duulista iyo Saadaasha Hawada DFS Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xubno kale , iyadoona halkaas siweyn loogu sameeyay dhaweeyay.

- Advertisement -

Maareeyaha guud ee Hay`adda duulista  iyo hawada dowladda Axmed Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ujeedka ay Kismaayo u gaareen uu yahay sidii ay tababarro kala duwan u siin lahaayeen shaqaalaha iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda ayaa sheegay in ay ballaarin doonaan qorsheyaasha lagu hormarinayo Garoomada Soomaaliya, isla markaana socdaalkooda uu qeyb ka yahay howlo shaqo oo dhowr ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts