HomeWararMaamulka Ceel-waaq oo kasoo horjeestay Guddigii baarista ee Jubbaland

Maamulka Ceel-waaq oo kasoo horjeestay Guddigii baarista ee Jubbaland

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Maamulka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa kasoo horjestay Guddigii dowlad Goboleedka Jubbaland u magacaawday baarista dadkii shacabka ahaa ee Ciidanka dowladda Kenya ku dileen halkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Ceel-waaq Sahal Maxamed Aadan oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in aysan dooneyn in Guddigaas ay yimaadan degmada, isagoo ku eedeeyay in Maamulka Jubbaland in uusan waxba ka qaban dhibaatooyin ka dhacay degmadaas.

Sahal Maxamed ayaa sheegay in Guddiga baarista ee Guddoomiyaha u yahay Wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur Janan aysan kalsooni badan ku qabin, isla markaana arrintaas ay tahay sababta keentay inay diidaan Guddiga.

Guddigii Jubbaland u saartay baarista dadkii lagu dilay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin degmadaas, iyagoona doonaya in baaritaano kala duwan ku sameeyaan dhacdooyinkii Ciidanka Kenya u geysteen dadkii shacabka ahaa.

Si kastaba Ceel-waaq iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gedo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday tacadiyo Kenya ka geysatay qeybo kamid ah Gobolkaas, maadaama ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyaanti ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories