HomeWararMas’uul ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo laga helay Corona Virus

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo laga helay Corona Virus

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa laga helay cudur sidaha Corona Virus, sida ay ku caddeysay war rasmi ah oo ay ku soo qortay bogeeda Tiwiiter-ka. Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in dhawr mar oo hore laga qaaday tijaabada cudurkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa laga helay cudur sidaha Corona Virus, sida ay ku caddeysay war rasmi ah oo ay ku soo qortay bogeeda Tiwiiter-ka.

Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in dhawr mar oo hore laga qaaday tijaabada cudurkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu cadeeyey inay cudurka qabto, inkastoo aysan hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro oo wayn.

- Advertisement -

Maanta oo Isniin ah ayay qorshaynaysay inay waraysi siiso Tv-ga Fox News, balse balanta ayaa la joojiyey, ka dib markii cudurka laga helay, waxayna noqonaysaa sargaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo cudurkani ku dhaco, iyadoo Sabtidii madaxweyne Trump Isbitaal la geeyey, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19.

Marka laga soo tago madaxweynaha iyo marwada koowaad Melania Trump, waxaa jira dhowr mas’uul oo kale oo ka tirsan aqalka cad ama ka agdhow oo coronavirus laga helay, kuwaas oo ay ka mid yihiin  lataliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts