HomeWararSomaliland oo bilaawday kulamo lagu xalinayo dagaal beeleed dhacay

Somaliland oo bilaawday kulamo lagu xalinayo dagaal beeleed dhacay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Somaliland ayaa wafdi u dirtay Deegaanka Ari-caddeeyo oo ka tirsan Gobolka Sool oo maalin kahor uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Ari-caddeeyo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan Laascaanood iyo Odayaal dhaqmeed. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Somaliland ayaa wafdi u dirtay Deegaanka Ari-caddeeyo oo ka tirsan Gobolka Sool oo maalin kahor uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Ari-caddeeyo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan Laascaanood iyo Odayaal dhaqmeed.

- Advertisement -

Wasiirka iyo Maamulka Gobolka Sool ayaa deegaanka Ari-caddeeyo ka bilaabay dadaalo lagu xalinayo xiisad taagneyd iyo dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday, iyagoona kulamo la qaatay Waxgaradka dhinacyadii dagaalamay.

Sidoo kale Saleebaan Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac ay heshiis kala dhex-dhigi doonaan, si marka kale uusan deegaanka uga dhicin dagaal geysta Khasaarooyin kala duwan.

Dagaalkii Maleeshiyaadka ku dhex-maray deegaanka Ari-caddeeyo ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay ka dhashay Khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday Afar ruux, halka tirro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Si kastaba sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ka dhacay dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaasi oo qarkood markii dambe xal laga gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts