HomeWararKenya oo War kasoo saartay diyaaradii ku burburtay Garoonka Dhoobley

Kenya oo War kasoo saartay diyaaradii ku burburtay Garoonka Dhoobley

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dawladda Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi usoo duulaysay magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi usoo duulaysay magaalada Nairobi.

- Advertisement -

Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa dyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan cisbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nayroobi.

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka. War saxaafadeedku ma sheegin sababta ugu wacnayd in diyaaraddaasi shil gasho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts